4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland oo dalbatay in la siidaayo laba Wariye oo Somaliland ku xiran

 

Axad, December, 17, 2017 (HOL)- Xarunta xuquuqal Iinsaanka ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqday inay xoriyadooda u soo celiso laba suxufi oo ku kala xidhan magaaladda Hargeysa iyo Gabiley.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal Iinsaanka oo uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha xaruntaasi garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac ayaa ugu baaqay in loo baahan yahay in xukuumaddu sii deyso weriyeyaashaasi.

“Cabdirisaaq Dayib Cali oo ka tirsan shabakadda wararka ee Haldoornews waxaa la xidhay 5tii December 2017 iyada oo la hor keenay Maxkamadda Gobolka Gabiley 7 December. Maxkamaddu waxay rumaan garaysay todobo cisho.”ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedkan.

Waxaana intaas lagu daray “Waxa lagu eedaynayaa waraysi lagu daabacay shabakadda Gabileynews.net. Waraysigaas oo gabadhi ay eedo ugu jeedisay duqa Gabiley, siday ay u xaqiijiyeen Xarunta saraakiil dawladeed iyo Maxamuud Cabdi Jaamac, gudoomiyaha ururka suxufiyiinta ee SOLJA.

Cabdirisaaq wuxuu u sheegay Xarunta inaanu isagu daabicin oo qaadin waraysigaas oo aanu waxba ku qorin shabakaadaas. Sida uu sheegay, Cabdirisaaq wuxuu sameeyaa shabakadaha (websites) kadibna wuxuu ku wareejiyaa cidda leh. Sidaasdarteed, wuxuu sheegay inuu isagu sameyeey bogga balse aanu lahyn oo maamulin, wuxuu weli ku xidhan yahay xabsiga Gabiley.”.

Waxa kale oo uu ka hadlay wariye kale oo isna ku xidhan magaaladda Hargeysa, waxaanu yidhi “ 8 October 2017 waxa Maxkamada Gobolka Hargeysa ay ku xukuntay suxufi Maxamed Adan Dirir 18 bilood oo xabsi ah. Qareenkiisa iyo qoyskiisa midna ma joogin dacwadda, sida uu noo sheegay qareenkiisa Mubaarig Cabdi.  Dirir waxa la xidhay 16 September 2017 iyada oo lagu eedeyey cay iyo daabacid war been abuur ah oo la xidhiidha qoraalo la sheegay inay ku eedeyeen dugsiga gaarka loo leeyahay ee Noradin in falal anshaxa ka baxsan loola dhaqmo hablaha. Dhegaysiga rafcaan uu qaatay Dirir ayaa mudaysan Arbacada soo socota, 20 December 2017. Waxaanu madaxwaynaha cusub, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ka codsanaynaa inuu xoriyadooda u soo celiso suxufiyiiintaas xidhan. Waa waajib ay dastuurka iyo xeerarka caalamiga ahi saarayaan dawladda inaan la cabudhin warbaahinta.”

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.