4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
DDSI oo ku eedeysay Oromada in ay Xasuuqeen Soomaali Maxaabiis ah

 

Axad, December, 17, 2017 (HOL) – Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dadkii habeen hore Dowlad deegaanka Oromadda ay ku laayeen Tuullada Gadule ee hoostagta deegaaanka Darullow ee Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.

Dilka dadkan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kaddib markii ciidamada Liyuu Boolis-ku weerareen deegaan aan Gadule ka dheerayn halkaa oo la sheegay in ay ku dileen Labo ruux.

Reerka laga dilay labada ruux oo ka carooday falkaasi ayaa weerar qorsheysan waxaa ay ku qaadeen Soomaalida ku nool degaanka Gadule, iyaga oo dilay ilaa 65 ruux oo Soomaali ah.

Madaxa xafiiska Arrimaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa sheegay in dadkaasi markii la laayay kaddib lagu riday meel God ah.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dadka la dilay ay ahaayeen dad Maxaabiis ah oo horay gacanta ugu jiray maamulka Oromadda.

Idiris Ismaaciil ayaa sidoo kale xusay in Oromadda ay dileen ku dhawaad 70 ruux, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabo looga jawaabayo dhibka dhacay.

Xiisad culus oo dilkan ka dhalatay ayaa ka taagan deganadii dilalka ay ka dhaceen, waxaana laga cabsi qabaa dilalka inay intaan ka sii bataan, iyadoo aargoosi laga duulaayo.

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay hawada ka saartay xiriirka Baraha Bulshada, si xiisada arintaan ka dhalatay aysan cirka isugu sii shareereen, waxaana goobaha dilalka ka dhaceen loo diray ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

Soomaalida ku nool Ismaamulka hoostagga Oromada dalka Itoobiya ayaa waxaa soo food saaray xaalad cabsi ah oo la xiriirta dilalkan dhacay iyo inay ka cabsi qabaan in ay sii socdaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]