4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn diyaraadeed oo ka dhacday dulleedka Kismaayo

 

Axad, December, 17, 2017 (HOL) – Xubno kala duwan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaan Koonfur kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose sida ay sheegeen saraakiil ka gaabsaday in magacooda la soo xigto.

Dadka deegaanka Beerhani oo 60km dhinaca Koonfureed ka xiga magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa Qaraxyo waaweyn iyo madaafiic lagu bartilmaameesaday saldhig ay ku shirsanaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

‘’Waxaan maqalnay Qaraxyo waaweyn oo gilgilay dhulka, waxaa naloo sheegay in diyaaradaha Mareykanku weerareen saldhig Al-shabaab ‘’ sidaa waxaa sheegay dadka deegaanka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee ( Africom) oo ka hadlaya duqeyntan ka dhacday dulleedka magaalada Kismaayo.

Qaraxan ayaa imanaya xili todobaadyadii ugu danbeeyay weeraro cirka ah diyaaradaha Mareykanku ku bartilmaameesanayeen saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]