4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
Wariye Maxamed Aweys Muudey oo Afar Sano kaddib laga sii daayay xabsi ku yaala Addis Ababa

 

Axad, December, 17, 2017 (HOL) – Wariye Maxamed Aweys Muudey oo ku magacdheer Boqorka Bartamaha ayaa Afar sano kaddib laga soo daayey Xabsi ku yaalla dalka Itoobiya, kaddib markii ay maxkamad ku xukuntay 27 sano oo xabsi ah.

Wariye Muudey ayaa lagu waddaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho, sida uu horay u sheegay wasiirka wasaarka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Cismaan Yariisoow.

Wariye Muudeey ayaa warbaahinta u sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu xoriyadiisa uu dib u helo, maadaama muddo badan uu ku xirnaa dalka Itoobiya.

Sii deyntiisa ayuu uga mahad celiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay soo deynta Wariye Muudey iyo tiro kale Maxaabiis Soomaaliyeed ah oo muddo dheer ku xirnaa dalka Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]