Canada oo Soomaaliya ku deeqday $ 10 Million dollar si wax looga qabto dhibaatada Abaarta
Axad, December, 17,
2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Canada
Axmed Xusseen ayaa sheegay in dowladda Canada ku deeqday lacag dhan $10.4 oo
wax looga qabanyo dhibaatada Abaarta soo noqnoqatay ee Soomaaliya.
Lacagta ayaa waxaa ku deeqday wasaaradda Hormarinta
Caalamiga ah waxaana lagu bixin doonaa caawinta dadka ay saameynta adag ku
yeelatay Abaarta Soomaaliya sanadkiiba galaafatay nolasha Kumannaan ruux oo
Soomaali ah.
‘’Canada waxaa ay ku faraxsan tahay in ay bixisay gargaar
Bani’aadannimo si wax looga qabto baahida kuwa ugu nugul ee bulshada
Soomaaliyeed ka mid ah, lana hubiyo in uu gargaarkan gaaray kuwii u baahnaa ‘’
sidaa waxaa yiri Wasiirka Socdaalka dalka Canada Axmed Xusseen.
Lacagahan waxaa loo kala qoondeyn doonaa Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo
Mareykanka ee kala ah World Food Programme, UNICEF, the United Nations
Development Programme and the American Refugee Committee,waxaana ay ku bixin
doonaa Dadka Soomaaliya ee dhibaatada abaarta la kulmaya.
Waxaa uu sheegay Axmed Xuseen in Dowladda Canada ay garab taagan
tahay horumarka iyo amniga ka jira Soomaaliya ay dhinaca abaarta ka saacideyso
Soomaaliya.
Abaartii ugu danbeyysan ee ku dhufatay Soomaaliya ayaa soo jiidatay indhaha
Caalamka, waxaana dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirtaa sidii loogu hortagi
lahaa Abaaraha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]