4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
Jen Gorod : Wax saameyn ah naguma yeelan doonto lacagta uu Mareykanku naga joojiyay

 

Sabti, December, 16, 2017 (HOL) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdwali Jaamac Gorod ayaa sheegay in marnaba wax saameyn ah ku yeelan doonin ciidamada militariga lacagta uu ka joojiyay Mareykanka.

Isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayuu sheegay in qorshahoodu yahay isku tashi , islamarkaana ciidamada xoogga dalka saameyn doonin go’aanka ka soo baxay Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay joojisay Saadkii ay markii hore siin jirtay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kaddib markii ay soo ifbaxeen arrimo la xiriira musuqmaasuq iyo si aan wanaagsaneyn oo laga faa’ideystay gargaarka, iyaga oo intaa ku daray in taliska militarigu ku guuldareystay isla xisaabtanka arintaa ku saabsan.

Talaabada uu qaaday Mareykanka ayaa la leeyahay waa mid saameyn karta howlaha iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo diyaar garoowga ah in Soomaaliya isku filnaato dhinaca Amniga madaama ciidamada howlgalka midowga Africa isku diyaarinayaan in ay ka baxaan wadanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]