4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
Xildhibaanno ka tirsan Jubbaland oo gobolka Gedo ku maqnaa oo Kismaayo ku laabtay


Sabti, December,16, 2017 (HOL)-Mudaneyaasha oo mudo laba bilood ah ku maqnaa gobolka Gedo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha magaalada ay kusoo dhaweeyeen xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Jubbaland.

Mudaneyaashan ayaa mudadii ay maqnaayeen waxaa ay ku sugnaayeen qeybo ka tirsan gobolka Gedo, waxaana jiray hadal heyn badan oo ku aadanayd ujeedooyinka ay mudaneyaashu mudadaa dheer ugu sugnaayeen gobolka Gedo.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo markii ay soo dageen kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muadii ay ku maqnaayeen gobolka ay kulamo wadatashi iyo is xogwareeysi la qaadanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolkaasi Gedo.

Xildhibaanka ayaa xusay in xogaha ku saabsan kulamadii ay la qaateen qeybaha bulshada gobolka Gedo ee ay la kulmeen ay la wadaagi doonaan mudaneyaasha baarlamanka Jubbaland iyo madaxda kale ee dowlad goboleedka.

Mudanayaasha ayaa laba bil kahor halmar ka ambabaxay Kismaayo, ayagoo uu wehlinayay wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Mudane C/rashiid Xasan Cabdi Nuur.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.