4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
Xiisad dagaal oo ka taagan deegaanka Abal ee gobolka Bakool

 

Sabti, December, 16, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Abal ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa maleeshiyaad Mukhtaar Rooboow ee halkaasi ku sugan iyo sidoo kale dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Deegaanka Abal ayaa waxaa ku xooggan maleeshiyaadka Mukhtaar Roobow, waxaana bilihii lasoo dhaafay kaabiga ku hayay ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

Shalay ayaa maleeshiyaad daacad u ah Mukhtaar Rooboow, waxa ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn degankaasi.

Al-shabaab ayaa sheegay ay dileen saraakiil oo uu ka mid yahay Wiil uu dhalay C/llaahi Mukhtaar Rooboow, laakiin ma jirto cid kale oo xaqiijisay sheekada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]