In ka badan 60 ruux oo shacab ah oo lagu dilay dalka Yemen
Sabti, December, 16, 2017 (HOL) - In
ka badan 60 qof oo Shacab ah oo dhashay dalka Yemen ayaa ku dhintay
duqeyn ay shalay dowladda Sucuudiga ay ka fulisay goobo ay ku sugan yihiin
Xuutiyiinta.
TV-ga Al-Masirah ee Yemen ayaa sheegay in diyaaradaha Sacuudiga ay duqeyn ku
dileen degmada Mawza ee galbeedka gobolka Ta’izz ku dhawaad 15 qof oo Shacab
ah.
Warbaahinta iyo ilaha ammaanka ayaa sidoo kale ku soo waramay Jimcihii in
Weerar dhanka Cirka ah ay ku nafwaayeen 28 qof oo ku noolaa xeebaha
galbeed ee Yemen.
Suuq ku yaalla gobolka Sacda ayaa sidoo kale , waxaa ka dhacday Duqeyn ,
waxaana ku dhintay dad ku dhow 20 qof.
Dhammaan duqeymahaan waxaa ay dhaceen maalintii shalay aheyd gelinkii dambe ee
Jimcaha.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay in dowladda Sacuudiga ay xoojisay duqeymaha
ka dhanka ah Xuutiyiinta, islamarkaana ay beegsanayaan goobaha dadweynaha.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]