4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
Madaxwaynahii Maamulkii Xiban&Xeeb Maxamed Tiicey oo Xoriyadiisa dib u helay ayaa soo gaaray Minnesota,SAWIRO & VIDEO

Sabti, December,16, 2017 (HOL)- Madaxwayanahii Hore ee Maamulkii Xibin Xeeb Maxamed Cabdulaaahi Aadan Tiicey  oo mudo Afar Sano iyo dhawr bilood ku xirnaa dalka Biljim ayaa Isbuucaan dib u helay Xoriyadiisii,

Waxuuna fiidnimadii xalay oo Jimce aheed uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Minneapolis oo Madaxwaynahu daganaa Labaatan sano ,isagoo uga baxay Jaamacaada Gobolka Minnesota.

Maxamaed Tiiceey ayaa dowladda biljimku ku eedaysay ku lug lahaansho burcad badeednimo,isagoo markii danbena sheegay in wax danbi ah lagu waayay.

Waxaa garoonka diyaaradaha  ee Minneapolis St paul ku soo dhaweeyay qaar ka tirsan  Xubanaha Jaaliyadda Minnesota waxayna dhamaantood aad ugu faraxsanaayeen in Maxamaed Cabdulahi Tiicey uu ku soo noqday Gurigiisa Minnesota.

Maxamed Cabdulaahi Tiicey  oo la hadlay  dadwaynahii soo dhaweentiisa ka soo qaybgalay ayaa u mahadceliyey soo dhaweenta , kama uusan hadal wax aan mahadcelin aheen isagoo sheegay in goor kale uu ka hadli doono Arimahii uu la kulmay.

Maxamaed Abdulahi Tiicey waxuu xalay dib ula midoobay qoyskiisa oo ka kooban 5 wiil iyo gabar iyo hooyadood taasoo qoyska xalay farxad wayn u aheed 

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis,MN