4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
Taliyaha Militariga oo furay waddooyinkii xirmay ee Gaalkacyo

 

Sabti, December, 16, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Taliyaha Militariga C/wali Jaamac Gorod iyo Taliyaha Ciidamada Puntland Saciid Dheere ayaa saaka ka bilaabay magaalada Gaalkacyo furitaanka waddooyinkii ku xirmay dagaalada.

Ololaha wado furista ayaa ka dhashay gogol nabadeed oo uu fidiyay Taliyaha Milateriga Jen. Gorod, kaasoo shalay ka furmay magaalada Gaalkacyo, waxaan ujeedka gogoshan nabadeed uu ahaa sidii dib u heshiisiin dhab ah u dhex mari laheyd bulshada wada degta Gaalkacyo oo dhowr jeer oo hore dagaalo soo noq-noqday u dhex maray.

Jid furida ayaa ka bilowday dhanka Koofur ee magaalada Gaalkacyo, halkaasoo laga qaaday dhagxaan wadada lagu gooyay

Waddooyinka saaka la furayo ayaa waxaa ka mid ah waddada isku xirta labada dhinac ee magaalada iyo kuwo kale oo lagu gooyay dhagxaan, isla markaana ka mid aheyd aagagii lagu dagaalamay.

Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen. Gorod ayaa sheegay in waddooyinka la furay ay bilow u noqon doonaan is dhex galka bulshada wada degan magaalada, waxaana uu rajo ka muujiyay in xaalada nabadgelyo ee magaalada ay noqoto mid horseeda horumar iyo barwaaqo.

Maleeshiyaad kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo ugu dhex maray magaalada Gaalkacyo, waxaana dagaaladan ay salka ku hayeen muran dhul iyo arrimo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]