4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2017
Mareykanka:Iiraan baa ku deeqday Gantaaladii Sacuudiga lagu weeraray

 

Jimco, December, 15, 2017 (HOL) -- Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobe Nikki Haley,ayaa soo bandhigtay wax ay sheegtay in ay yihiin gantaalo ay dowladda Iiraan siisay mucaaradka Yaman.

Gantaaladan ayeey Xuutiyiinta u isticmaaleen weerar ay ku qadeen dhulka Sacuudiga, taasoo ka dhalatay in Sacuudiga weeraro is daba joog ah qaado.

Mar ay ka hadlaysay haraadigii Gantaaladaasi ay soo bandhigtay ayeey sheegtay in ay tahay mid muujinaysa sida ay Iiraan u hurinayso colaadda Bariga dhexe.

Iiran ayaa beenisay eedeeynta loo soo jeediyay ee ah in ay horinayso colaadaha Bariga Dhexe iyo in ay Xuutiyiinta hub siisay.

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanka ay doonayaan in ay qariyaan dambiyada dagaal ee ay Sacuudiga ka gaysteen Yamen.

Xuutiyiinta ayaa dalka Yemen kula dagaalamaya xulafada ay hogaamiyaan Sacuudiga iyo qaar kale oo ka mid ah wadamada Carabta.

Horraantii bishan ayay ahayd markii kooxda Xuutiyiinta ay dileen madaxwaynihii hore ee Yamen Cali Cabdalle Saalax.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]