4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2017
Jen Mukhtaar oo faah faahin ka bixiyay Qaraxii saakay lagu weeraray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed

 

Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Ku-simaha Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xusseen Afrax ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar ismiidaamin ah oo saakay lagu qaaday Dugsiga tababarka Booliiska ee Gen Kaahiye.

Jen Mukhtaar ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 18 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed halka 15 kalana ku dhaawacmeen, isaga oo intaa ku daray in qofka qaraxa geystay uu soo dhaxgalay ciidamada.

‘’Qof qaraxa geystay ciidamada ayuu soo dhaxgalay xili ay ku jireen Quraac, waxaana ay ciidamadu u diyaar garoobayeen xuska Aas Aaska ciidamada Booliiska ee 20 December ayuu yiri Jen Mukhtaar

Waxaa uu sheegay in Qaraxa uusan marnaba niyad jabin doonin ciidamada oo diyaar u ah ayuu yiri in ay u dhintaan dalkooda.

‘’Al-shabaab marwalba waxaa ay u shaqeeyaan sidii ay dalka dib ugu dhigi lahaayeen, taana lagama yeelayo ayuu yiri ku-simaha taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xusseen Afrax.

Weerarkii saakay lagu qaaday Dugsiga Gen Kaahiye ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay waayadii ugu danbeeyay mar kaliya hal goob lagu dilo tiro intaa la eg ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]