Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ayaa maanta mar kale dood ka yeelanaya Miisaaniyada Dowladda ee 2018-ka.
Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in ay cod u qaadaan Miisaaniyadda dowladda 2018 oo maalmihii dambe ay dood adag ka lahaayeen.
Guddiga Maaliyadda iyo Wasaarada Maaliyadda ayaa looga fadhiyaa in meelaha ay cabashada ka yihiin in ay wax ka badalaan kuna daraan talooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in maanta aqrintii ugu dambeysay ay mareyso Miisaaniyadda dowladda 2018, go’aana ay ka gaarayaan Xildhibaannada maanta oo ah iney u codeeyaan iyo iney diidaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]