Soomalia oo dib u soo nooleyneysa dhaqanka iyo dalxiiska dalka
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Eng C/raxmaan Cumar
Cismaan Yariisoow oo ka qeybgalaya
Shirweynaha 2aad ee Caalamka ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo
qabanqaabiyeen hay’adaha UNWTO iyo UNESCO oo lagu qabtay magaalada Masqad ee
Saldanada Cumaan ayaa yiri Soomaaliya waxey soo nooleyneysaa Dhaqanka &
Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo.
In ka badan 800 ayaa shirkan
ka soo qeybgashay iyagoo ka kala yimid 70 dal si ay uga qeybgalaan shirkan oo
ka dhacayey caasimada Masqad ee dalka Saldanada Cumaan 11 – 12 December 2017.
Shirkan ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Cumaan H.H. Sayyid
Fahd bin Mahmoud al-Said, iyadoo Wasiirada Dalxiiska & Dhaqanka ay ka soo
qeybgaleen. Ujeedada shirkan caalamiga ah ayaa ahaa sidii loo sii xoojin lahaa
iskaashiga hay’adaha dalxiiska iyo kuwa Dhaqanka looguna diyaar garoobi lahaa
Ajendaha Qaramada Midoobey ee 2030 ee ah gaarista horumar joogta ah.
Shirkan ayaa Wasiiradii ka soo
qeybgalay waxay yeesheen kulan wadahadal iyadoo CNN ay u qeybineysay dooda oo
diirada lagu saarayey doorka Dalxiiska ee uga aadan nabada iyo horumarka.
Wasiirada Cambodia, Libya, Somalia, Iraq iyo Vietman ayaa wasiirada kale la
wadaagay qorsheyaashooda soo nooleynta Dalxiiska si dalalkooda nabadeyntiisa
iyo horumarka uga qeybqaataan.
Wasiir Eng. Yarisow oo ka
warbixiyey istraatejiyada iyo qorshaha Soomaaliya ay dib ugu soo nooleyneyso
Dhaqanka & Dalxiiska ayaa yiri "Somalia waxey dib u soo nooleyneysaa
Dalxiiska & Dhaqanka si ay uga qeybqaataan soo celinta amniga, nabadeynta
iyo horumarka dalka. Soomaalidu waa dad adkeysi badan isla markaasna ku fiican
hal-abuurka ganacsiga, bacdamaa uu dalku nabad noqonayo waxaan abuureynaa
aasaaskii lagu horumarin lahaa dhaqanka iyo dalxiiska si dhalinyaradu ay
hab-abuurkooda uga faa’iideystaan taas oo rajo ku soo celineysa shacabka, isla
markaasna horseedeysa shaqo abuur."
Xoghayaha Guud ee UNWTO Dr
Taleb Rifai ayaa yiri "Sanadkii 2016 in ka badan 1.2 billion dad ah ayaa
socdaalay. Marka la gaaro 2030 waxaan rajeyneynaa in dadka socdaaladaya ay kor
u dhaafaan 1.8 billion. Dhaqaalaha Adduunka 10% ayaa Dalxiiska ka yimaada oo ay
10kii qofba uu hal qof ka shaqeeyo arrimaha dalxiiska. Dalxiise kasta waxuu
fursad u abuuraa dhaqaalaha oo kobca, nabdeynta, is-fahamka bulshada, iyo in
dadka magaalada iyo baadiyaha oo ka wada shaqeeya kor u qaadista Hiddahooda iyo
Dhaqanka."
Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri
“Waxaan aaminsanahay in hadda la joogo waqtigii saxda ahaa ee Soomaaliya ay
jiilka cusub u diyaarin laheyd siyaasadii, istraatejiyadii iyo qorsheyaashii
dalxiiska dib loogu soo celin lahaa. Dalxiiska waa xaqiiqo jirta, caalamkana
isagaa loo soo wadajeystay oo uu si xowli ah u socdaa. Dalxiiska waxuu
shaqooyin u abuuraa dhalinyarada, waxuu kor u qaadaa dhaqaalaha.
Dowladda Federaalka waxey ku bixisaa juhdi fara badan si
dalka uu u gaaro isku filnaasho buuxda.”
Wasiir ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in
Soomaalidu ay leedahay Qurbo joog firfircoon oo buundo u noqon karta sidii loo
dhiirigelin lahaa Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo haddii ay saaxiibadood
ku qanciyaan inay dalka u soo dalxiis tagaan ayaa noqoneysa habka ugu habboon
aan kor ugu qaadeyno hirgelinta dalxiiska iyo dhaqanka. Soomaalid waa dad jecel
safarka tanoo u noqoneysa raasumaal uu dalku leeyahay.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]