Somaliland oo beenisay in ay jiraan wasiirro xanibaad lagu soo rogay
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxa ay faah
faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ku
aadanaa in xanibaad dadban la saaray Wasiirada Maamulkaasi.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Cige Deyr oo warbaahinta
la hadlay ayaa beeniyay wararka sheegaya in Madaxtooyada laga celiyay Wasiiro,
sidoo kalena loo diiday in ay ka duulaan Garoonka.
Wuxuu ka digay dadka wararka been abuurka ah ee sal iyo raad midna aan
laheyn ku marin habaabinaya bulshada, wuxuuna tilmaamay in hada masuuliyiinta
ay wataan shaqadooda.
13-ka bishan December ayaa wuxuu qorshaha yahay in Magaalada Hargeysa ay ka
dhacdo xil wareejinta Madaxweynaha Somaliland, kaddib markii Muuse Biixi Cabdi
uu ku guuleystay Doorashadii 13-kii November ka dhacday Somaliland, waxaana
socota qaban qaaabada Munaasabadan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]