4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2017
Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo dhawaan la magacaabayo

 

Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) – Guddoomiiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in dhawaan ay soo magacaabi doonaan guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeella, kaddib markii baarlamaanka Hirshabeelle uu kalsoonidii kala noqday madaxweynihii maamulka Cali Cabdullaahi Cosoble.

Guddoomiiyaha ayaa sheegay in gudiga doorashada ka koobnaan doonaan sagaal xubnood oo dhamaantood laga soo xulayo baarlamaanka maamulka, waxaana la filayaa in guddigu ka shaqeeyo sidii ay u dhici laheyd doorashada iyo sharuudaha laga doonayo musharixiinta xilka madaxweynaha.

‘’Guddiga marka laga dhawaaqo waxaa ay guda-gali doonnaan diiwaangalinta musharixiinta iyaga oo siddoo kalana jadwal u sameyn doona habka ay doorashada u dhaceyso’’ ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Dowladda Soomaaliya oo go’aan ka qaadatay khilaafkii soo kala dhaxgalay maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqday in muddo 30 cisho ah lagu soo doorto madaxweyne cusub muddadaa oo ka bilaabaneysa 14kii bishan oo ay xildhibaannadu kalsoonida kala noqdeen madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]