4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2017
Madaxda dowladda Soomaaliya oo la kulmay ku-xigeenka xog-hayaha QM ee dhinaca siyaasada

 

Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa kulan la yeeshay ku-xigeenka xog-hayaha QM ee dhinaca siyaasada Jeffrey D. Feltman oo maanta Muqdisho.

Kulanka mas’uuliyiinta sare ee dowladda iyo Jeffrey D Feltman waxaa looga hadlay xaalada Soomaaliya dhinacyada siyaasada, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, iyo xiriirka dowlad gobolleedyada iyo dowladda dhexe.

“Soomaaliya waxey ku tallaabsaneysaa horumar ballaaran oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka, waxaaa hubaal ah in aan ka mira-dhalin doonno barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

 

Jeffrey D. Feltman ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kulanka uu la qaatay mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in uu soo dhaweynayo dhinaca kale hormarka muuqada ee waqtigan Soomaaliya ka jira.

‘’Waxaa Soomaaliya kala shaqeyn doonnaa gaarida doorasho madax-banaan oo xor ah sanadka 2020ka, dib-u-eegista dastuurka, arimaha federalka, iyo siddii caalamku Soomaaliya u siin lahaa taageero buuxda’’ayuu yiri Jeffrey D Feltman.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiiru-dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]