4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Ardey ka qalinjibisay Jaamacada Daaru-Salaam oo shahaado la guddoonsiiyay


Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Munaasabad ay ka qeybgaleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay dalka iyo marti Sharaf kale ayaa Shahaado lagu guddoonsiiyay ilaa 400 oo Ardey ah kuwaa oo dhameysatay waxbarashada Jaamacada Daaru-Salaam.

Dr Cismaan Maxamed Xassan guddoomiyaha sare Jaamacadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho ayaa ardeyda qalibjibay u jeediyay erayo dardaaran iyo dhiir-galin isugu jira.

Sidoo kale Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in wax wanaagsan tahay dadaalka ay Jaamacada  u gashay in ardeyda ay soo saarto, isaga oo halkaa ka soo jeediyo hadalo kaftan iyo dhiiri-galin u badnaa.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xassan Xusseen ‘’Nuur Cadde’’ ayaa munaasabada ka sheegay in uu hambalyeeynayo ardeyda qalinjabisay.

Ardeyda qalinjibisay ayaa dhankooda sheegay in ay u mahad celinayaan ardaydooda iyo maamulka jaamacadda oo muddo soo wax barayay.

Magaalada Muqdisho waxaa ku yaala tiro jaamacado ah oo dalka laga hergaliyay wixii ka danbeeyay burburkii dowladda dhexe, kuwaa oo soo saaray kumannaan aqoonyahanno oo wax weyn ku soo kordhiyay bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]