4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2017
Mukhtaar Rooboow oo soo gaaray Muqdisho

 

Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday Sheekh Mukhtaar Rooboow  Cali Abuu Mansuur oo ka soo duushay degmada Xuddur.

Mukhtaar Rooboow ayaa la sheegay in ay socdaalkiisan ay ku wehlinayaan wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid Cabdullaahi Maxamed  iyo saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida Qaranka oo ka soo qaaday degmada Xuddur kaddib wada hadal dhaxmaray Wadaadka iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Abuu Mansuur oo ka goostay Al-shabaab ayaa saakay isku dhiibay maamulka Koonfur galbeed ee degmada Xuddur, kaddib weerar ba’an oo uu kala kulmay xoogagga Al-shabaab, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay kulamo dhaxmaraan mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda iyo Mukhtaar Rooboow oo mar soo noqday ku-xigeenka Amiirka Al-shabaab.

Amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay ka hor inta aysan soo gaarin diyaarada sidday Abuu-Mansuur.

Dowladda Mareykanka ayaa horaantii sanadkan shaacisay in Mukhtaar Rooboow laga saaray liiska wax loogu yeero argagixisada, waxaana madaxiisa dul saarnaa oo lagu doon doonayay lacag dhan $5 Million oo doolar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]