4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2017
Wasiirka arimaha dibada oo maanta su’aalo uga jawaabay xildhibaannada gollaha shacabka

 

Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta hortagay mudanayaasha baarlamaank Soomaaliya, isaga oo ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo la weydiiyay.

Ajendaha kulanka golaha shacabka ee maanta oo ahaa su’aal Oraaheed ku saabsan ku dhaqanka Sharciga LR : 112 Shaqada Arrimaha Dibedda ayeey xildhibaanada golaha shacabka gudda- galeen su’aala weydiinta wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cumar iyo wasiiru dowlaha wasaarada oo fadhiga golaha shacabka ku sugnaa, waxaana Su’aalaha laga weydiinayay qaarkood ay ku saabsanaayeen muddada xilhaynta diplomaasiyiin iyo qaabka safaaradaha ay u shaqeeyaan, hir-gelinta sharciga siyaasaddaa arimaha dibedda, dhibaatada dadka Soomaaliyeed ay ku qabaan helida dal ku galka dalalka ay ka mid tahay India oo badanaa dadka Soomaaliyeed ay arimo caafimaad u tagaan, dhibaatadda dadka Soomaaliyeed loogu geysto dalalka qaarkood, hab dhaqanka diplomaasiyiinta iyo kuwo kale.

Wasiirka Arimaha dibedda Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo ka jawaabayay su’aalaha la weydiiyay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibedda ay ka go’antahay horumarinta shaqada arimaha dibedda, iyadoo lagu dhaqmayo shaciga u yaala.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo kulanka golaha shacabka soo xiray ayaa u mahad celiyay wasiirka arimaha dibadda iyo xildhibaanada gollaha shacabbka oo wasiirka su’aalo dhowr ah weydiiyay, wuxuuna sheegay in golaha shacabka uu mar walba diyaar u yahay in wasiirada kula xisaabtamo howsha ay u hayaan dadka iyo dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]