Faah faahin ku saabsan Mukhtaar Rooboow oo tagay degmada Xuddur
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) - Sheekh Mukhtaar Robow Abu Mansuur oo horay u
soo noqday Amiir ku-xigeenkii Ururka Al-shabaab ayaa tagay degmada Xuddur kaddib dagaal ba’an oo labadii cisho ee la
soo dhaafay uu la gallay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku soo weeraray
deegaankii saldhiga u ahaa ee Abal oo ka tirsan gobolka Bakool.
Shiine Macalin
Nuurow oo ah Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa VOA u sheegay
in Mukhtaar Rooobow Abu Mansuur uu haatan ku sugan yahay magaalada Xuddur halkaasi
oo uu soo gaaray saakay.
Mas’uuliyiin iyo
saraakiil ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur galbeed ayaa la
sheegay in Mukhtaar Rooboow xalay kula kula yeesheen deegaanka Abal oo ah halka
ay ka dhaceen dagaalladii cuslaa ee Al-shabaab iyo Mukhtaar Rooboow kuwaa ugu
danbeyntii ku qanciyay Wadaadka in ay u soo kaxeeyaan dhinaca degmada Xuddur.
Bishii Juun ee
aynu soo dhaafnay ayaa Roobow laga saaray liiska dad ay si weyn u raadinaysay
dawladda Maraykanka, waxaana la sheegay in markaas kadib ay Al-Shabab ay
bilaabeen inay ka saaraan degaannada uu ku jiro taasi oo ana u suurtogelin.
Inta la
xaqiijinayo ilaa 19 qof ayaa ku dhimatay dagaalladan maalmahan dhexmarayey
maleeshiyada Al-Shabab iyo kuwa Mukhtara Roobow.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]