AMSIOM oo maamulka Hirshabeelle u tatabari doonta ciidamo Police ah
Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Wafdi ka socda howlgalka Midowga Africa ee
AMISOM iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Police-ka dowladda Soomaaliya ayaa
dhawaan laba maalin oo tababar ah waxaa ay usoo geba-gebeeyeen ciidamo police
ah oo u diiwaan gashan maamulka Hirshabeelle.
Wafdiga waxaa hogaaminayay taliyaal ciidan oo ka kala socday AMISOM iyo Poice-ka Somalia,
waxaana labadda dhinac ay sheegeen muhiimadda ay leedahay kobcinta iyo taageeridda
ciidanka nabad-gelyada.
“Waxaa lasii wadi doonaan caawinta ciidanka maamulka si ay isku filnaasho u
gaaraan”, ayeey yiraahdeen.
Dhinaca kale Howlgalka Midowga Afrika, ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah uu
u tababarayo maamulka Hirshabeelle.
Ciidamada Booliska ah ayaa tiradooda lagu sheegay 1,000 Askari, 600 oo ka
mid ah waxaa ay ka imaan doonaan Magaalladda Baladweyne, halka 400 oo kalena ay
ka iman doonaan magaalladda Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.
“Amisom,waxaa ay sii wadi doontaa, tababariidda, dib-u-dhiska, Qalabeynta
iyo diyaarinta Booliska Soomaaliya, waana shaqo naga go’an ka Amisom ahaa,
waxaa kale oo aan hagaajineynaa xarumaha Booliska sida Sladhigyada iyo guryaha
Saraakiisha, si loo gaaro hadafka aan halkan u joogno.”,sidaas waxaa yiri
Chikunguru Maxwell oo ah isku xiraha Booliska Amisom.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Mayre Makaraan, ayaa
sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan tababarka lasiinayo ciidamada Police-ka ee
maamulka Hirshabeelle.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia