4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2017
42 qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Masar

Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Ugu yaraan 42 qof ayaa ku dhimatay kadib markii shil tareen uu ka dhacay magaallo xeebeedka dalka Masar ee Alexandria, sida wasaaradda Caafimaadka ay sheegtay.

Warbaahinta dowladda ee MENA, ayaa warisay in laba tareen ay isku dheceen shalay oo jimco aheyd.

Wasiirka gaadiidka dalkaasi Hishma Arafat, ayaa shilkaasi ku tilmaaday khaladaad ka dhacay bina’aadamka sida uu hadalka u dhigay.

“Si looga fogaado dhacdooyinka noocaan oo kale ah waaa in aan hormarinaa waddooyinkeena”, ayuu yiri.

Dowladda ayaa tacsi u dirtay dhammaan dadkii ku dhintay shilkaasi.

Dhinca kale maamulka Alexandira, ayaa sheegay in wax laga qaban doono hormarinta waddooyinka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia