Wakiilada beesha caalamka oo warbixin laga siiyay qorshaha amniga Qaran ee Soomaaliya
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) –La
taliyaha amniga Qaranka DF Soomaaliya Xusseen Macalin ayaa kulan uu la qaatay
wakiilada beesha caalamka faah faahin dheeraad ah ka siiyay qorshaha amniga
Qaran ee lagu wajahayo dhismaha ciidamada.
Kulan oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa
sidoo kale waxaa ka qeybgallay wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada
Soomaaliya C/rashiid Cabdullaahi, iyaga oo la wadaagay safiirada beesha
caalamka u jooga Soomaaliya qorshaha amniga ee qeybta
ka ahaa qodobadii ka soo baxay shirkii Madaxda dowladda iyo maamul
goboleedyada.
Waxaa kulanka ka qeyb-gallay wakiilka Qaramada
Midoobey, Safiirka Mareykanka, Safiirka Imaaraadka Carabta, Wakiilka Midowga
Afrika iyo Safiiro kale.
Qorshahan ayaa markii hore waxaa laga muujiyay shaki
weyn qaabka loo diyaariyay, gaar ahaan dhismaha ciidanka xoogga dalka, oo loo
yeelay muuqaal ciidan dawlad goboleedyada ay awood weyn ku leeyihiin
dhismihiisa, amarkiisa iyo taladiisaba, iyadoo arrintan ka mid aheyd awoodaha
dowladda Dhexe.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay
qorshahan Amniga, iyadoo lagu wado qorshahan Amniga Qaranka ee dhismaha
Ciidamada la horgeeyo Shirka London ka dhacaya bisha soo socota.
Qorshaha amniga Qaranka ayaa waxaa lagu xusay in
Ciidanka xoogga dalka tiradiisu ay noqoneyso ugu yaraan 18,000 oo ayan ku
jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]