4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2017
Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Ammaanka ee Barlamaanka

 
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa  xalay kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Difaaca iyo Ammaanka ee Golaha Shacabka.

Kulanka masuuliyiinta ay wada qaateen ayaa ahaa mid su’aallo weydiin ah.

Xasan Cali Khayre, ayaa Guddoonka iyo Guddiyada Barlamaanka u sharaxay qorsho ku aadan dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Guddiga difaaca ee golaha shacabka iyo xildhibaanno kale oo isla golahaasi ka tirsan ayaa mooshin dhawaan ka keenay shirkii madaxda qaranka iyo maamul gobolleedyada ee ee looga hadlayey amniga iyo siyaasadda.

Guddiga ayaa sheegay in “Qaabaynta Amniga Qaranka” gaar ahaan qeybta la xiriirta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu khilaafsan yahay dastuurka Soomaaliya, gaar ahaan qodobo gaar ah.

Dhinaca kale, La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xusseen Macalin Maxamuud, ayaa sheegay in fasiraad aan sax aheyn ama qaldan laga bixiyay sida uu hadalka u dhigay qorshaha dowladda ee dhismaha ciidamada Qaranka.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adeygay difaaca dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ayna intooda badan ay muddo ka badan 10 sano heegan joogta ah ugu jiraan furumaha dagaalka.

Mareykanka ayaa dhawaan u diray Soomaaliya ciidan, ka duwan kuwi horey tababarka u siinayay ciidamada Soomaaliya, Britain ayaa iyana sidaa oo kale u direysa ciidan Soomaaliya.

Dowaladda Federaalka  Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa sidii loo dhisi lahaa Ciidamo hanan kara Ammaanka Dalka, si looga maarmo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee hada Dowladda ka caawiya ladagaalanka Alshabaab.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia