4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2017
Maareeyaha hay’adda Saadaasha iyo duulista hawada oo la magacaabay

Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa wareegto ku magacaabay maareeyaha hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada oo noqonaya Yuusuf Cabdu C/dulle ( Yuusuf Jaalle)

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Yuusuf Jaalle uu noqonaya maareeyaha hay’adda Saadasha iyo Duulista hawada DF Soomaaliya, isaga oo badalaya C/waaxid Sheekh Cumar oo xilkan horay u hayay.

Mas’uulkan la magacaabay ayaa horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Shabeelle dhexe, hasse ahaatee waayadii ugu danbeeyay waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii sida weyn isugu howlay olalihii doorasho ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda federaalka ayaa horay isbadal dhinaca xilalka ah u sameysay waana qeyb ka mid ah tallaabooyinka inta badan laga fisho mas’uuliyiinta dowladda marka ay tallada dalka la wareegaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]