4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2017
La taliyaha amniga Qaranka ee DF Soomaaliya oo sheegay in si qaldan loo fasiray qorshaha dhismaha ciidamada

 Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) -La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xusseen Macalin Maxamuu sheegay in fasiraad aan sax aheyn ama qaldan laga bixiyay sida uu hadalka u dhigay qorshaha dowladda ee dhismaha ciidamada Qaranka.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidanada xooga dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adeygay difaaca dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ayna intooda badan ay muddo ka badan 10 sano heegan joogta ah ugu jiraan furumaha dagaalka.

“Dowladda federaaka waxaa ka go’an in ciidamada helo daryeel, qalabeyn iyo in ay helaan dhammaan xuquuqdooda aasaasiga ah, mana jiro wax saameyn ah oo ciidankan howlgalaya ay ku yeelaneyso Qorshaha Amniga Qaranka oo ujeedadiisu tahay sidii loo dar-dargelin lahaa tayeynta cidianka Soomaaliyeed”ayuu yiri la taliyaha amniga ee madaxweynaha.

Waxaa uu meesha ka saaray inay jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka xoogga dalka, isla markaana fasiraad aan sax aheyn laga bixinayo qorshaha amniga Qaranka sida uu yiri.

“Haba yaraatee ma jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka XDS oo aan aragnay in fasiiraad aan sax aheyn laga bixinayo, taaaso aan waafaqsaneyn Qorshaha Amniga Qaran, dowladda Federaalka waxay sii xoojineysaa howlaha cidianka Xoogga dalka, mooyee ma dhici karto wax dalka dib u celiya”ayuu yiri la taliyaha amniga Qaranka.

Si shacabka ay u fahmaan dooda Qorshaha amniga Qaranka waxaan halkan hoose ku soo gudbineynaa sida uu u qoran yahay arrinka ku saabsan ciidamada:

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (XDS) waxaa uu ka kooban yahay;

• Ciidanka Lugta
• Ciidanka Cirka
• Ciidanka Badda

Waajibaadka ciidanka XDS waa;

• Ilaalinta midnimada Qaranka
• Illaalinta iyo difaaca xuduudaha dalka
• Difaaca cadawga dibadda iyo kan gudaha oo u abaabulan qaab hubaysan oo

Khatar galiyaan xasiloonida dalka

Hadalka la taliyaha amniga Qaranka ee madaxweynaha ayaa imanaya xili arintan ay buuq siyaasadeed ka dhax abuurtay xukuumada iyo xildhibaannada oo mooshin arintan ka dhan ah horgeeyay baarlamaanka, iyaga oo ku tilmaamay qorshaha dhismaha ciidamada mid qatar ku ah Qarannimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]