4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 25, 2017
Madaxweyne ku xigeenka oo xariga ka jaray biyo xireen weyn oo laga hirgaliyey bariga magaaladda Hargeysa


Talaado, April, 25 2017 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa shalay dhagax dhigay mashruuca weyn oo biyo xidheen oo uu imaaraadka Carabtu maalgalisay, taas oo laga hirgaliyey deegaanka Xumbo weyne ee bariga magaaladda Hargeysa.

Munaasibad balaadhan oo madax badan ka soo qaybgalay ayaa lagu qabtay deegaanka laga fulinayey mashruucan biyo xidheenka ah oo si weyn looga faa’iidaysan doono, isla markaana kayd u noqon doono wakhtiyadda abaaruhu dhacaan, waxaana looga faa’iidaysanayey biyihii sanad walba dhaafi jiray ee badaha ku shubman jiray.

"Maanta waa maalin weyn oo aynu guddoomayno deeq aad u qiimo badan oo inooga timi walaalaheena dalka Imaaradka carabta waxaan u mahad celinaynaa Madaxwayanaha dawlada imaaradka Sheekh Khaliif binu Saayid Al Nahyaan iyo walaalihiisa hawshan hareeraha la haya iyo hay'ada lasoo marshay dhaqaalahan ee khaliifa foundation qiimaha uu inoogu fadhiyaa waxa weeye, waa biyo xidheenkii koowaad ee dalka laga sameeyo maalintii Madaxweynuhu dhagax dhigayay dadka qaar riyo ayay la ahayd riyadii ayaa rumawday biyo la qabtayna qasaaro ma leh oo marka ay ugu yartahay intaasoo xayawaana oo qaar aynu dhaqano iyo kuwo kaleba ayaa ku noolaanaya oo horta biyo la qabtay qasaaro ma leh”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku Saylici.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay wasiirka madaxtooyadda Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi waxaanu yidhi " waxay bilaw u tahay inaynu baranno biyaheena faha badan ee socda inaynu qabano oo ka faa'idaysano waxa ina naafeeyay oo ina tabaaleeyay abaaro soo noq-noqda waxaynu helnaa biyaha laba wakhti oo kaliya inta badan cimilada duniduna si xun ayay isu badashay marka la eego biyaha Somaliland ku dhaca labadaas wakhti aqoonyahanaada ku xeesha dheeri markii ay qiimeeyeen maaha biyo yar waa biyo aad u farabadan oo inagu filan waxa dhulka hoostiisa gala iyo waxa bada gala waxay inooga baahan tahay caqli iyo xigmad kuma noolaan karno noloshii awoowyaasheen markay geela, Lo'da iyo Adhiga dhaqan jireen say u noolaayeen shan qarni ama afar qarni ka hor maanta uma noolaan karno noloshii iyo dunidii oo dhan ayaa is badashay cimiladii ayaa is badashay reer magaal ayaynu u badannay dad badan oo aqoon lehna weynu yeelanay miyigiina waa laga soo gurmayaa waxaynu u baahan nahay inaynu nolosheena jihayno.”

Sidoo kale,waxa iyaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, madax ka socotay hay’ada khaliifa Foundation ee Imaaraadka Carabta.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.