4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 25, 2017
Shirweyne lagu horumarinayay arrimaha Soomaalida Ohio oo lagu qabtay madaxtooyada Ohio


Talaado, April, 25, 2017 (HOL) - Shirweyne si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigay natiijada cilmi-baaris muddo saddex sano ah qaadatay ayaa lagu qabtay aqalka looga taliyo gobolka Ohio. Shirweynahan oo ka koobnaa khudbado, aqoon is weydaarsi iyo casho sharaf ayaa waxaa soo agaasintay hay’adda SomaliCAN oo dhaqdhaqaaqda danaha dadka Soomaaliyeed.

Waxaa shirweynaha ka soo qaybgalay madax ka kala socotay magaalada Columbus, gobolka Ohio, iyo heer qaran intaba.

Waxaa kale oo goobjoog ahaa aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe Yusur Abraar, Dr. Bashiir Nuur Bidaar oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka bangiga Chase, aqoonyahanno, culumaa’u diin, ganacsato, ardayda jaamacadda iyo qaybaha kale ee bulshada.

Professor Jibriil Maxamed oo ah madaxa SomaliCAN isla markaasna bare sare ka ah jaamacadda Ohio State ayaa khudbaddii furitaanka ku sheegay in ujeeddadu tahay in la isu keeno indheer-garadka Soomaalida iyo madaxda la doortay ee heer magaalo gobol iyo heer qaran intaba si loo helo warbixin ku salaysan cilmi baaris iyo aqoon si wada jir xal loogu helo caqabadaha ay wajahaan dadka Soomaaliyeed ee reer Ohio. Jibril ayaa ku dhawaaqay in hay’adda SomaliCAN ay tababbari doonto toban dhallinyaro Soomaaliyeed ah si loo kobciyo ka qaybgalka Soomaalida ee arrimaha dowladda.

Cabdikhayr Soofe oo ah madaxa arrimaha soo galootiga ee magaalada Columbus ayaa ka warramay xaaladda dadka ku cusub Maraykanka isaga oo sheegay in ay horumar baahsan ka samaynayaan dhinacyada aqoonta, ganacsiga iyo shaqooyinka. Khadra Maxamed Shire oo madax ka ah ururka haweenka Ohio ayaa ka warbixisay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee Ohio iyo sida ay hormuud uga yihiin dhan walba. Cabdirisaaq Faarax oo ka tirsan wasaaradda amniga gudaha Maraykanka, Mushtaaq Ducaale oo u hadashay dhallinyarada, Cabdirisaaq Cali Ciise oo u hadlay ganacsatada iyo Axmed Cali oo ka hadlay arrimaha siyaasadda ayaa dhammaantood muujiyay horumadka Soomaalida iyo sida ay uga qaybqaataan arrimaha gobolka Ohio.

Ugu dambayntii, Stefanie Chambers oo ah qoraaga buugga “Somalis in the Twin Cities and Columbus,” oo ah bare jaamacadeed ayaa soo bandhigtay natiijada cilmi baaristeeda. Dr. Chambers waxay sheegtay in Soomaalida Ohio ay haystaan caqabado ka hor taagan ka qaybgalka arrimaha siyaasadda sida in doorashada dowladda hoose ay ku salaysan tahay codbixinta guud ee dadka deggan Columbus. Magaalada Minneapolis ayay tilmaantay in doorashadu ku salaysan tahay 13 xaafadood taas oo fududaysay in laga soo doorto wakiillo Soomaali ah. Madaxda gobolka Ohio ayay ugu baaqday in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa isbaddello horseeda in la horumariyo ka qaybgalka Soomaalida ee arrimaha siyaasadda gobolka.