4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2017
Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay koonfurta Soomaaliya

 
Talaado, April, 25, 2017 (HOL) -Diyaarado dagaal ayaa lasoo sheegayaa in ay duqeyn ka fuliyeen Saldhigyo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday Degaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Diyaaradaha Duqeynta fuliyay illaa iyo hadda Wadanka laga leeyahay si rasmi ah looma ogaan.

Dhinaca kale lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, maamulka Gobolka Gedo iyagana dhankooda wali kama aysan hadlin weerarka iyo cida fulisay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen xajmiga duqeynta, iyo goobaha duqeynta ay ka dhacday.

Degaanka War-gaduud ayaa masaafa ahaan waxaa ay ka fogtahay Degaanka Ceel-cadde oo Sanadkii 2016 ay Al-shabaab ku dileen 100 Askari oo Kenyan ah kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

20-kii bishan April, Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka geystay degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gado ee koonfurta Soomaaliya.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa la sheegay in duqeynta ay ku dhinteen. 

18-kii bishan, April, Taliska howlgalka Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa sheegay in aysan duqeyn ka fulinin diyaarada militeriga Mareykanka koonfurta Soomaaliya 14-kii bishan April.

Dhinaca kale warka ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ay aheyd bishii January ee 2017. 

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia