4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2017
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo goor dhaw gaaray magaalada Baydhabo

Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxaa ay gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Xasan Sheekh Aadan, wasiiro, xildhibaano ka tirsan K/Galbeed, Saraakiil ciidamada iyo xubno kale.

Shalay magaalada Baydhabo waxaa gaaray wafdi hordhac u ahaa safarka madaxweynaha, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo.

Madaxwyenaha ayaa lagu wadaa in uu kulamo kla duwan la qaato in uu kulamo la qaato Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo golaha wasiirada maamulkaasi.

Safarka madaxweynaha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago mid ka mid ah gobollada Soomaaliya tan markii loo doortay xilka madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]