4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2017
Shacabka Faransiiska oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada dalkaas

 Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Shacabka dalka Faransiisa ayaa maanta oo Axada ah u dareeray goobaha doorashada madaxtinimada dalkaas, waxaana siweyn loo adkeeyay amniga.

Illaa 50-kun oo boolis iyo illaa 7,000 oo ciidamo Milateri ah ayaa la geeyay dhamaan magaalooyinka dalkaas, si ay u xaqiijiyaan ammaanka goobaha doorashada ka dhaceyso.

Ilaa 11 Musharax ayaa isku garbinaya inay noqdaan Madaxweynaha soo socda ee dalkaas, iyadoo la filayo labada musharax ee ugu codka badan ay u gudbaan wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta bisha May.

Musharaxiinta qaar ayaa yeeshay doodo kulul oo ka baxeysay Telefishinada, waxaana xisbiyada u tartamaya xilka Madaxtinimada ay isku dhaafsadeen hadalo kulul.

Afarta Musharax ee ugu cad cad ayaa waxay kala yihiin Francois Fillon, Marine Le Pen, Emmanuel Macron iyo Jean-Lug Melenchon.

Madaxweynaha xilka haya Francois Hollande oo xilkan loo doortay sanadkii 2013 ayaan tartami doonin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]