4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2017
Qaramada Midoobay oo sheegtay in qatarta isticmaalka hubka Nuclearka ay mareeyso heerkeedii ugu sareeyay
Axad, April, 23, 2017 (HOL) -Qatarta in uu qarxo dagaal la isku adeegsado hub nuclear ah ayaa mareeysa heerkeedii ugu sareeysay tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee dunida, warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa sidaa lagu yiri,  waxayna kusoo aaday arintan xilli ay xiisad ka dhex aloosantahay dalalka heysta awoodda nuclearka ee Mareeykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Daraasad uu sameeyay machadka Qaramada Midoobay u qaabilsan cilmi baarista hub-ka-dhigista (UNIDIR) ayaa lagu sheegay in dunidu wajaheeyso "Masiibooyin kusoo fool leh" taa oo ka iman karta in ka badan 15,000 oo hub Nuclear ah oo ay heystaan sagaal wadan.

"Qatarta hubka Nuclearka ee sanadda 2017 waa mid uusan muran ka taagnayn in ay mareeyso heerkeedii ugu sareeyay 26-kii sano ee lasoo dhaafay, wixii ka danbeeyay markii uu burburay midowgii Soviet," ayaa lagu sheegay cilmi baarista.

Waxay ka digtay in isticmaalka hubkan uu keenayo kalsooni darro, taasoo ay sababi karta baa lagu yiri warbixinta in hubku galo gacanta qaldan, oo ay ula jeedaan kooxo argagixiso ah.

Mareeykanka iyo xulufadiisa ayaa haatan ku howlan in ay ka jawaab celiyaan gantaalladii ugu danbeeyay ee ay tijaabisay Kuuriyada waqooyi, iyo tijaabadii lixaad ee Nuclear oo la aaminsanyahay in ay sameeysay, taasoo xukuumadda Washington ay u aragto mid qatar ku ah xasiloonida caalamka.

Maamulka Trump ayaa rajeeynaya in Shiinuhu ku caawin doono in la xakameeyo awoodda Kuuriyada waqooyi.

Dowladda Shiinaha ayaa saaxiib dhow oo dhanka ganacsi la ah dowladda Kuuriyada Waqooyi.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.