4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalladda Baydhabo

 
Axad, April, 23, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ku wajahan magaalladda Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa booqashada uu ku tegayo magaallada Baydhabo, waxaa ay tahay tii ugu horeysay tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya bishii February.

Wariyaal ku sugan Baydhabo, ayaa Hiiraan Online u sheegay in amaanka magaalladda Baydhabo maanta si weyn loo adkeeyay, iyadoona magaalladda laga dareemayo in safar uu kusoo yahay madaxweynaha.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, waxaa ku wehliya wasiirka gar-gaarka iyo arrimaha bini’aadanimada Marwo Maryan Qaasim.

Deegaannada Koonfur-galbeed ayaa ah meelaha ay sida daran u saameeyeen abaaraha, waxaana laba maalmood gudahooda gaajo iyo haraad u geeryooday 110 ruux oo carruur iyo dumar ay ka mid yihiin, sida uu horay u sheegay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale waxaa jira kullamo uu madaxweynaha la qaadan doono Madaxda maamulka Koonfur Galbeed, ururada bulshada iyo wax garadka ku dhaqan magaalladda.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia