Madaxweyne Cosoble : Cidna kama aqbaleynayo amar lagu cunaqabateynayo deegaannada Hirshabeelle
Sabti, April, 22, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi
Cosoble oo shir jiraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kaddib
safar uu kaga yimid Magaalada Bula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa kaga hadlay
arrimo kale duwan oo la xiriira Khaadkii labadii maalin ee la soo dhaafay ka
dagayay magaalada Jowhar, hase ahaatee maanta aan ka dagin.
Madaxweynaha
Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlay diyaaradihii qaadka
ee labadii maalin ka dagayay magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka,
isagoo sheegay in uu soo dhoweeynayo cid kasta oo rabtaa garoomada
Hirshabeelle in badeecadahooda ay ka dagsadaan ayna soo dhoweynayaan, waxaana
uu sheegay in uu maqlay in amar ka soo baxay Dowladda lagu joojiyay in
diyaaradaha qaadka aynan ka dagi Karin Jowhar, Misana aynan aqbali Karin in la
cuna qabateeyo Hirshabeelle.
Madaxweynaha
ayaa sheegay markii uu maqlay amarka diyaaradaha Khaadka lagaga joojiyay Jowhar
in uu wacay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre misana uu wax ka
weydiiyay amarkani, Ra’isul wasaaruhuna uu sheegay in uu wax ka ogeyn
marka xafiisyo hoose oo Dowladda ah ayaa arrintaa ka dambeeya baaritaan
ayaana socda xafiiska ay ku cadaatana ayuu madaxweynuhu carabka ku adkeeyay in
ay la xisaabtami doonaan oo waxa uu Dastuurka uu qabo ay ku kala bixi doonaan.
“Waxaan
Sharci eheyn Cidna nagulama dhaqmi karto, waan ogahay shaqsiyaad daneynaya oo
dhahaya ma dhaceyso oo suuqyada ku hayo Ceelmacaan in la furaa ma dhaceyso
Garoonka Jowhar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto, shaqsiyaad
raba in ay ku owr kacsadaan dano ay leeyihiin Mas’uuliyiina sheeganaya waa ay
jiraan, Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku dastuur ayuu leeyahay dastuurka
ayayna tahay in lagu dhaqmaa” Sidaasi Waxaa Yiri Madaxweyne Cosoble.
Madaxweynaha
Dowladda Hirshabeelle oo sii hadlay ayaa sheegay in aynan jirin Dowlad goboleed
Dowlad goboleed kale ka xuquuq yar, haday dhacdo in go’aano Hirshabeelle ka
dhan ah la soo saaro taasi waxay dhaawaceysaa Midnimada iyo Qaranimada
Soomaaliya, waxay meel uga dhici doontaa xuquuqda dadyowga reer Hirshabeelle,
waxaana uu carabka ku adkeeyay in laba dowlad goboleed mid dekado iyo garoomo
ay leedahay, caalamkana Heshiisyo la galeysa, midna maya La dhaho midna loo
fasaxo diyaaradaha Khaadka midna diyaarado kama dagi karaan la dhaho marna
ma aqbaleyno in la cuna qabateeyo Hirshabeelle.
“Waxaan
xaqiijineynaa cuna qabateynta Hirshabeelle Lagu rogay cid kasta oo ku soo
rogtayna Maxkamad ayaan la fuuli doonaa Xaqiiqdi waxay tahay Hirshabeelle
laguma xadgudbi karo sida aan loogu xadgudbi karin dastuurka, dastuurka ayaa
siinaya awoodaha uu leeyahay dowlad goboleedka, cidna dowlad goboleedka
Hirshabeelle xuquuqdeeda kuma tuman karto” ayuu yiri madaxweynaha dowladda
Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]