4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 22, 2017
Maxkamada ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada booliiska


Sabti, April, 22, 2017 (HOL) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa subaxnimadii hore ee saakay dil toogasho ay ku fulisay askari ka tirsanaa cidiammada booliiska oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Maadeey.

Askariga toogashada lagu fuliyay ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay nin la oran jirey Maxamed Cali Cabdalla 05-01-2016 dii.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in ninkaan lagu helay dambiyadda lagu soo oogay,islamarkaana uu si bareer ah u toogtay qof Shacab ah.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale maxkamada ciidamada qalabka sida xukuno dil ah ugu fuliso ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ku eedeysan in ay geysteen dilal bareer ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]