Wasiirka waxbarashada : Manhajka Soomaalida waxaa uu ku saleysan yahay dhaqanka Islaamka
Sabti, April, 22, 2017 (HOL) –
Wasiirka wasaarrada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka
Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa ka jawaabay digniintii
Al-shabaab oo waalidiinta uga digay in aysan carruurtooda u dirin Iskuulada iyo
Jaamacadaha aan Islaamiga aheyn.
Wasiirka
waxbarashada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay digniinta Al-shabaab, isaga oo
sheegay in manhajka Sooaaliya uu ku saleysan yahay mar walba Diinta iyo
dhaqanka Islaamka.
“Mar
walba Soomaalida dhaqankeeda waxaa uu ku saleysan yahay
Islaamnimo iyo Soomaalinimo, caqiiqadada iyo aragtida Islaamka ay ka
turjumeyso”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada oo u waramayay Idaacada VOA.
Waxaa uu ugu
baaqay in aysan Waalidiinta dheg jalaq u siin Al-Shabaab, waxaana uu xusay
in iskuulada lagu dhigo Tarbiyada Islaamka iyo luqada carabiga.
“Cid walba
waa ogtahay, waalidiinta Soomaalida waa loo sheegaa, in waxyaabaha lagu dhigo
Iskuulada, sida Fasalka Koowaad illaa 12aad in Tarbiyada Islaamiga lagu
dhigo”ayuu yiri Wasiirka.
Dhawaan ayeey aheyd markii
afhayeenka Al-shabaab uu sheegay in waalidiinta Soomaaliyeed uga digayaan in
carruurtooda u direen dugsiyada iyo Jaamacadaha lagu barto sida uu hadalka u
dhigay manhajka reer galbeedka, waxaana markii ugu horeysay oo digniin noocan
ah ay soo saaraan kooxda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]