4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 21, 2017
Xildhibaanadda deegaanka Saylac oo maayarkooddii bedelay iyo xukuumadda oo ka soo horjeestay

 

Jimco, April, 21 2017 (HOL)- Xildhibaanada golaha deegaanka degmadda Saylac ayaa bedelay maayarkoodii,isla markaana maayar cusub doortay, taas oo abuurtay khilaaf u dhexeeya golaha deegaanka Saylac iyo wasaardda Arrimaha gudaha Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegtay in sharciga loo maray xil ka qaadistaasi, waxaana waxba kama jiraan ku tilmaameen qaabka loo maray xil ka qaadista lagu sameeyey maayarka Saylac.

Xildhibaanadda golaha deegaanka Saylac intoodda badan ayaa iyagu sheegay inay doorteen maayar cusub,isla markaaan dawladda hoose ee degmadda laga joojiyey inay soo galaan, waxaanay xuseen in ciidan la dhigay oo loo diiday inay galaan.

Khilaafkan golaha deegaanka degmadda Saylac iyo wasaarada Arrimaha gudaha oo diidan xil ka qaadistaasi maayarkii hore oo ay sheegeen in aan sifo sharci ah loo marin ayaa warbaahinta isku mariyey eeddo mid dhanka kale eedeynayo.

Wasiir ku xigeenka maamulka gobolada iyo degmooyinka ee arrimaha gudaha Jaamac Biin ayaa ku dooday in sifaha xilka laga qaaday maayarkii hore dib u eegayaan oo sharciga waafjinayaan, taasina waxay keentay in xildhbaanada iyo maayarka cusub ee ay doorteen loo diido inay soo galaan dawlada hoose.

“wasiirka arrimaha gudaha ayaa hore wareegta uga soo saaray in mudadda doorashadda ka hadhay aan la qaban Karin shir lagu ridayo Maayar, marka cabasho ayey noola yimaadeen xildhibaanadu waana u sheegnay in aan la bedeli Karin, marka iyagoo cidi ogayn ayey maayar cusub iska doorteen marka waxa loo eegaya sharciyadda”ayuu yidhi Jaamac Biin wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland

Haseyeeshee xildhibaanadan golaha deegaanka Saylac ayaa sheegay inay sharci daro tahay in laga hor joogsado inay shaqadoodii bilaabaan, isla markaana xukuuumadda ku eedeeyey talaaabadda ay qaaaday, waxaanay sheegeen in maayarkan cusub Saacad Daahir Cige uu gudoomiye u yahay,isla markaana doorteen inuu noqdo maaayarka magaaladda Saylac.

Waxaanay sheegeen in maayarki hore Xuseen iidle xilkii ka qaadeen, waxaanay ku doodeen inay sharciyadii xilka lagaga qaadayey mareen.

“anaga waxa gudoomiye noo ah Sacad Daahir Cige nin neceb iyo nin jecelba, anagu qasab ku qaadan mayno Xuseen Iidle (Maayarkii hore), dhamaan reerahuna maayarkan cusub bay wada doorteen”ayuu yidhi xildhibaan ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka Saylac.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.