12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2016
Xoghayaha Maaliyada Maraykanka oo Booqday Afro Deli oo ah Maqaayad Soomaaliyeed (SWR)

Talaado, August 09, 2016 (HOL) — Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Jacob Lew oo booqanayay Magaalooyinka Mataanaha ah ee Minneapolis iyo St Paul ee gobolka Minnesota sida garoonka cusub ee US Bank iyo weliba Hay'adda dhaqaalaha sida tan deeq-baxinta ee Northwest iyo Ganacsiyada yaryar ayaa ugu dambeyn, waxuu socdaalkiisa kusoo af-jaray shalay Maqaayada Caanka ah ee Afro Deli St Paul oo ah maqaayad uu leeyahay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabo, Cabdiraxmaan Ciise Kaahin, halkaasoo ay ka qadeeyeen Wasiirka iyo Wafdiga la socday.

Ugu horreyn, waxay gacan qadeen shaqaalahii Maqaayada Afro Deli waxayna iska waraysteen koboca Dhaqaalaha ee magaalda dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee ka jira Faras-magaalaha St Paul, Waxaana dhanka kalena qaar ka mid ah macaamiisha Maqaayadana ay la galayeen Sawirro xusuus ah.

Milkiilaha Maqaayada Afro Deli Kaahin oo HOL uga waramayay waxa sababay in uu mas'uulkaan ka socda Aqalka Cad uu u booqdo Maqaaayaddiisa ayaa sheegay in Xoghayaha ugu sarreeya dhaqaalaha Mareykanka iyo Wafdigiiisu ay u kuur-galayeen awooda dhaqaale iyo horumarka dadka soo galootiga ah iyo sidii loo dhiirri-galin lahaa Ganacsatada yar-yar sida maqaayadaha, sharaf bayna noo ahayd in Mas'uulkan uu nagu soo booqdo Afro Deli kuna Qadeeyo Cunto Soomaali, taasoo ay aad u ammaaneen isaga iyo Wafdigiisa.

Sidoo kale, Kaahin ayaa sheegay in horumarka dhaqaale ee dalkaan ay qayb ka yihiin ganacsatada yar-yar iyo Bulshada soo galootiga ah madaxduna ay doonayeen inay wax ka ogadaan waxay Minnesota kusoo kordhiyeen dadka Soomaalida ah.

Dhanka kale, Maxamud Cabdi oo ka mid ah Macaamiisha Maqaayadda, kana shaqeeya xafiiska Gobolka Minnesota looga taliyo aadna ugu dhow goobta ay ku taallo maqaayadda ayaa yiri. "Safarka Xogahayaha Maaaliyadda Dalka Mareykanka wuxuu fariin u dirayaa in cidi aysan dhagaysan hadalada nacybka ah ee uu sheego Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, mar haddii maanta uu Jacob Lew oo ka mid ah shanta qof ee ugu sarreeysa Aqalka Cad ka qadeeyay Maqaayadaha Soomaalida.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Maaliyadda dalka Maraykanka, Jacob Lew iyo wafdigiisu waxay u mahad-celiyeen Maamulka iyo Shaqaalaha Maqaayadda.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Minneapolis - Minnesota