10/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2016
Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo Qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiro Ajnabi


Arbaco, August 10, 2016 (HOL) — Ciidamada Kumaandoosta Somalia ee Danab ayaa Hawlallo ay ka fuliyeen maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxay gacanta kusoo dhigeen shan ka mid ah xoogaga Al-shabaab oo midkood uu ahaa ajnabi u dhashay dalka Suudaan.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa warbixin ay daabacday ku sheegtay iyadoo soo xiganaysa abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Baashi Xaji Maxamed in dadka la qabtay uu ku ka mid ahaa Siciid C/llaahi Abuukar [Al-Suudaan] oo Al-Shabaab u qaabilsan qaraxyada, oo Suudaan u dhashay.

Sidoo kale, Jen. Cali Baashi ayaa hadalkiisa ku daray in howlgalka ay ciidanka kumaandoosta Somalia fuliyeen uu ka kala dhacay labada dhinac ee ay u kala qaybsan tahay Gaalkacyo, uuna sidii loogu talo-galay u fulay.

Ugu dambeyntii, Arrintaan weli kama hadlin Al-shabaab, sidoo kalena ma jiraan ilo kale oo Madax-bannaan oo warkan xaqiijinaya, marka laga reebo warka ay baahisay Wakaaladda SONNA.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya