4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2016
DAAWO: Shir jaraa'id oo ay Beleweyne ku qabteen isbaheysiga is-bedel Sameynta Soomaaliyeed
Sabti, September 17, 2016 (HOL) — Siyaasiyiin ah oo la magac-baxay isbaheysiga isbadal sameynta Soomaaliyeed oo shir jaraa'id ku qabtay Beledweyne oo ay shalay soo gaareen, ayaa siweyn u dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Max'uud.

Bayaanka isbaheysiga kasoo baxay, ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay C/qaadir Barnaamij oo ka mid ahaa wafdiga, waxaana qoraalka lagu sheegay in isbaheysiga si buuxda isku bar bar taagayo go'aamada duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, iyaga oo dhinaca kalana ka digay in lagu deg dego dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale, Qoraalka ayaa waxaa ku jira qodob la xiriira soo xulista Aqalka sare iyo kan hoose ee dalka gaar ahaan xubnaha ka quseeya gobolka Hiiraan oo ay ku taliyeen in lagu soo xulo magaalada Beledweyne.

Wafdiga maalintii shalay gaaray Beledweyne, ayaa waxaa ka mid ahaa ra'iisal wasaarihii hore ee dalka C/wali Sheekh Axmed Maxamed, Duqii hore ee gobolka Banaadir Max'uud Axmed Nuur Tarsan, C/raxmaan C/shakuur Warsame, C/raxmaan Baadiyoow, C/llaahi Goodax Barre, Sayid Cali Macalin C/dulle iyo xubno kale, kuwaa oo shirkooda jaraa;id kaddib ka dhoofay magaalada Beledweyne,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya