4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2016
SOMALILAND: Wakiilada oo Ansixiyay in la kala qaado Doorashada Wakiilada & Madaxweynaha
Sabti, September 17, 2016 (HOL) — Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa cod Aqlabiyad ah ku ogolaaday maanta go’aankii madaxweyne Siilaanyo ku kala saaray labadda doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda, isla markaana doorashada Baarlaanka dib loo dhigay wakhtigii qorshuhu ahaa inay wada dhacaan.

Kalfadhigaan maanta Waxaa shir-guddoominayey gudoomiye kuxgeenka kowaad ee golaha Baashe Maxamed Faarax, waxaanu Cod Gacan-taag ah galiyay in la kala Qaado Labada doorasho ee markii hore is barkanaa ee madaxtooyada iyo Wakiiladda.

Kalfadhigan waxa ka soo xaadiray 59 xildhibaan, waxaana ogolaaday in la kala qaado 52 xildhibaan, halka shan xildhibaan diideen, hal xildhibaana ka aamusay, gudoomiyuhuna aanu codeyn.

Baashe Maxamed Faarax oo markii codeyntu dhacday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go;aankan golaha ka soo baxay loo gudbin doonno maxkamadda sare, ka dibna golaha Guurtiddu qiimeyn doonaan wakhtiga ugu haboon ee doorashadan Wakiiladdu dhici doonto, maadaama oo golaha GUurtiddu awood u leeyihiin inay goleyaasha u kordhiyaan.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa isago saaka ka baaqday oo aan iman Kal-fadhiga, inkastoo uu magaalada joogay, Laakiinse Wararka ayaa sheegaya inuu ogaa in xildhibaanadu doonayaan in loo kordhiyo, taasina ay ka hor imanayso siyaasadda xisbigiisa Wadani, sidaas darteed uu go;aansaday in aanu golaha iman.

Ugu dambeyntii, Xildhibaannada Golaha Wakiiladda ayaa hore Dadaal ugu jiray in la kala saaro, isla markaana loo kordhiyo, waxaana hore dhawr jeer golaha Guurtiddu u kordhiyaan golaha Wakiiiladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland