4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2016
Khasaaraha dhimasho ee dagaalkii Ceelwaaq oo sii kordhay

Sabti, Sitember 17, 2016 (HOL)-Warar haatan soo baxay ayaa sheegaya in khasaarihii dhimasho ee ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay Ceel-waaq uu sii kordhayo.

Ciidamada Kenya ee KDF ee AMISOM iyo ciidamada dawlada ayaa sheegay in ay halkaa ku dileen ilaa dhowr iyo soddon ka tirsanaa Al-Shabaab.  Majiro warar madax bannaan oo sheegashadaa xaqiijiyay.

Sidoo kale ayaan la heyn khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray shacabka degmadaa iyo nawaaxigeeda ku nool.

Kadib wax yar oo xarakada Al-shabaab ay gacanta ku haysay magaalada Ceel-waaq ee Gedo Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada dawlada oo rogaal celis ah ay halkaa ka saareen.

Sargaal ka tirsan ciidamada dawlada ayaa sheegay in dhankooda 4 askari laga dilay dhaawacna uu jiro walow uusan sheegin inta askar dagaalka looga dhaawacay.

Magaalada Ceel-waaq ayaa ah istaraatiiji waxayna ku dhowdahay xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]