4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2016
Millateriga Kenya oo sheegay inay tiro Al-shabaab ah ku dileen Hawl-gallo ka dhacay Koonfurta Somalia
/images/2016/May/2016514635987992456257068123-9.jpgSabti, September 17, 2016 (HOL) — Ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM, ayaa sheegay in xoogag ka tirsanaa Al-shabaab ay ku dileen Toddobaadkaan Gobolka Jubadda Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Millateriga Kenya ayaa sheegay 33 ka tirsan xoogagga Al-shabaab lagu dilay hawl-gallo ka dhacay deegaannada Goobweyn iyo Wirkooy oo ku dhow xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo.

Sidoo kale, Xukuumadda Kenya ayaa xustay in xubnaha la dilay uu ku jiro sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan, una qaabilsanaa farsamada iyo saddex ruux oo isaga la socday.

Dhanka kale, Illaa hadda Al-shabaab kama aysan hadlin sheegashada Xukuumadda Kenya ay sheegatay inay ku dishay hawlgal ka dhacay Jubbooyinka tiro ka mid ah xoogaggooda.

Ugu dambeyn, Millateriga Kenya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in Al-shabaab ka dileen xubno ay ka jiraan saraakiil, balse dhawr jeer ayay Al-shabaab iska fogeysay sheegashooyinkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya