4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2016
Ciidamada Dawlada iyo AMISOM oo Dib u Qabsaday Ceel Waaq

Sabti, Sitember 17, 2016 (HOL)-Kadib wax yar oo xarakada Al-shabaab ay gacanta ku haysay magaalada Ceel-waaq ee Gedo Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada dawlada oo rogaal celis ah ay halkaa ka saareen.

Ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ayaa lasoo sheegayaa oo rogaal celis ah inay magaaladaa dib u qabsadeen. Wakaalada wararka ee dawlada Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in ciidamda AMISOM iyo kuwa dawlada ay gudaha u galeen magaalada Ceel-waaq kana saareen xarakada Al-Shabaab.

Shalay oo halkaa ay isku farasaareen ciidamada AMISOM iyo SNA oo wada jira iyo Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in dirir dhexmartay khasaare nafeed oo dhimasho iyo dhaawac leh labadaba uu ka dhashay.

Si kastaba ha ahaatee khasaaraha rasmiga ah inta uu dhan yahay lama ogaan gaar ahaan weerarkii ugu dambeeyay ee ciidamada AMISOM iyo SNA ay dib ugula wareegeen Ceel-waaq iyo weliba khasaaraha garabyada dagaalamayay maahee soo gaaray shacabka halkaa ku nool.

Dhanka kale, sida lagu qoray maanta barta wararka ee wargeyska The Star ee Nairobi kasoo baxa ayaa ciidamada KDF waxay sheegeen in ay dileen 33 dabley ahaa oo ka tirsanaa Alshabaab weeraro kala duwan oo Soomaaliya ka dhacay.

Ciidamda KDF ee AMISOM ayaa sheegay in ay weerarada ku weheliyeen ciidamada Soomaaliya ee SNA markii ay dileen xubnahaa Al-Shabaab ka tirsanaa gaar ahaan labo weerar oo ay qaadeen Arbacadii aanu soo dhaafnay. Weeraradaa ayaa waxaa ay ka dhaceen labaduba Koofurta Soomaaliya.

Mid ka mid ah weerarada ayaa la sheegay in uu ka dhacay  Goobweyn oo ka tirsan Jubada Hoose midka kalena buundada Wirkoy oo isla gobolkaa ah una jidha 40km  Kismaayo.

Majiraan warar madax bannaan oo xaqiijiyay sheegashooyinkaa.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]