4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2016
Weerar lagu qaaday Axadii lasoo dhaafay saldhig booliis Mombasa oo lala xiriirshay ISIS

Sabti, Sitember 17, 2016 (HOL)-Weerarka oo ay saldhiga ku qaadeen saddex dumar ah oo Soomaali ahaa ayaa lala xiriirshay Daacish ama ISIS.

Baaritaan ayaa la bilaabay kaasoo la sheegay in weerarka looga gol lahaa in lagu carqaladeeyo hawlgalada dawlada. Afhayeenka dawlada Kenya Eric Kiraithe ayaa sheegay inay sababtu taa ahayd iyo wixii ay u bartilmaansadeen saldhigga booliska.

3dii gabdhood ayaa halkaa lagu toogtay kadib markii askari booliska ka tirsan ay mindi ku dhufteen.

Sidoo kale ayaa waxaa jira warar sheegay in walxo qarxana ay siteen inkastoo dhammaan sheegashooyinka aanan la xaqiijin karin.

Mr Kiraithe ayaa warbaahinta kula hadlay shalay Jimcihii Nairobi asagoo sheegay in Daacish ay sheegatay weerarkaa.

Si kastaba wuxuu ku daray in baaritaan dawladu samayneyso lagu doonayo in looga gun gaaro sababta dhabta ah ee weerarkaa.

Wararka ayaa  intaa ku daray in ay labo askari oo boolis ah dhaawaceen guud ahaan ka hor intii saddexdaa dumarka ah ayana aanan la toogan oo aan halkaa lagu dilin.

Meydadkooda ayaa sidoo kale baaritaan uu ku socdaa iminka ayagoo ku xareysan goob meydadka lagu keydsho oo kutaal Mombasa walow qabriyadoodii la diyaarshay oo dad is xilqaamay ay diyaarsheen.

Mid ka mid ah booliska la sheegay inay dhaawaceen saddexda hablood ayaa ahayd haweeney uur ah waxaana Mr Kiraithe sheegay inay haatan bedqabto ayada iyo cunuga uurkeeda kujiraba.

3 kale oo dumar ah oo Soomaali ah ayaa iyana boolisku baarayaa caasimada Mombasa kadib markii lagu eedeeyay inay guyahooda ku hayeen saddexdii gabdhood ee la dilay.

Kenya ayaa waxaa ka dhacay weeraro badan oo dabley hubeysan lala xiriirshay tan iyo markii ciidamada Kenya galeen Soomaaliya sanadkii 2011.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]