Wadamada Somaliland ka caawinaya doorashada oo ka Hadlay kala Saaridda Doorashooyinka
Jimco, September 16, 2016 (HOL) —
Wafti uu horkacayo Agaasimaha wasaarada Arrimaha Dibadda
Britain oo ay Wehelinayeen Saraakiil kale, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland si ay ugala hadlaan go’aankii dib loogu dhigay
doorashada golaha Wakiiladda.
Weftigan Ingiriiska ka
socday oo wakiil ka ahaa midowga Yurub ayaa
la sheegay inay isku mari waayeen madaxweynaha sabab dib loogu dhigayo
ama loo kala saarayo doorashadda madaxtooyadda iyo Wakiiladda.
Dalalka qaadhaanbixiyeyaasha
oo madaxweynaha ku cadaadiyey in doorashadda mar la wada qabto sidii hore loogu
heshiiyey, haseyeeshee madaxweynaha ayaa weftiga u sheegay in sababta dib loogu
dhigay tahay sidii xal loogu heli lahaa arrimaha saami qaybsiga kuraasta
Baarlamaanka oo ah arrimo xasaasi ah oo beelaha qaarkood doonayaan in aanay
haysan saami ay ku qanci karaan, haseyeeshee, weftigan Ingiriiska ka socda ayaa
madaxweynaha usoo jeediyey in mudadda ka hadhsan doorashadda arrimhaasi ku
dhameeyaan, isla markaana uu madaxweynuhu ka noqdo go’aankii uu dib ugu dhigay
doorashaddii golaha Wakiiladda.
Markii kulankani dhamaaday
oo lagu waday in shir jaraa’id wada qabtaan xukuumadda iyo weftigan ayaa
dhicin, waxaana weftigii Ingiriiska ka socday wax hadal ah aanay siin
warbaahinta oo ay aamusni iskaga baxeen.
Afhayeenka madaxweynaha
Xuseen Deyr ayaa warbaahinta u sheegay in kulankani daarnaa arrimaha
doorashadda iyo dib u dhaca ku yimid doorashaddii golaha Wakiiladda, waxaanu
sheegay in madaxweynuhu ku qanciyey sababta dib ugu dhigeen inay ahayd in guddi
loo saaray xalinta arrimaha saamiga kuraasta ee la isku mari laayahay.
dhanka kale, War-murtiyeed
kasoo baxay dalalka deeq-bixiyeyaasha ah ee Doorashooyinka ka caawinaya Somaliland ayaa lagu xusay inay walaac
ka qabaan go’aanka madaxweynaha ee dib loogu dhigay doorashadda golaha
Wakiiladda.
Beesha caalamku waxay
madaxweynaha usoo jeediyeen in doorashadda mar la wada qabto, isla markaana ka
hor doorashadda la dhameeyo saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka ee caqabadda
ku ah inay doorasho dhacdo.
War-saxaafadeedkan waxa lagu
sheegay in dib u dhacani dhaawacayo kalsoonidii beesha caalamku ku qabeen
Somaliland iyo dimuqraadiyaddii ka hana qaaday Somaliland,
“Dib u dhaca doorashada
wakiilada waxa la go’aamiyey iyadoo aan loo haysan sharci iyo dastuur, iyadoo
hore loogu heshiiyey in doorashadda
madaxtooyadda iyo golaha Wakiiladda mar la wada qabto”ayaa lagu yidhi
war-murtiyeedkaasi ka soo baxay dalalka doorashooyinka ka caawiya Somaliland.
“Beesha caalamku waxay samaysay
taageeradii looga baahnaa ee ay doorashooyinka madaxtooyada iyo
wakiiladu wakhtigoodii ugu dhici lahaayeen iyada oo ay si buuxda u soo
dhamaatay diwaan gelinta codbixiyayaasha taas oo si cad u qeexaysa in
doorashadu ku dhacdo 2017, taas oo aan la soo bandhigi Karin wax isbedel ah oo
ku yimaada”ayaa lagu daray qoraalkaasi
ka soo baxay beesha caalamka ee ay kaga hadlayaan dib u dhaca ku yimid
doorashaddii golaha Wakiiladda.
“Deeq bixiyayaashu waxay
maal gelin ku sameeyeen hanaanka loogu diyaar garoobayo doorashooyinka mana
doonayaan inay arkaan dib u dhac xidhiidh ah oo yimaada, beesha caalamkuna ma
awoodayso inay bixiso kharashka dheeraadka
ah ee ka imanaya go,aanka dib loogu dhigay doorashada wakiilada, balse waxa uu
noqon doonaa mid ku dhaca bulshada Somaliland”.
Beesha caalamku waxa ay
madaxweynaha usoo jeediyeen in la dhameeyo ka hor inta aanay doorashadu gaadhin
saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka ee darteed aanay doorashaddu u dhacayn.
Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaan ogolayn in la kala saaro Doorashada Wakiillada iyo Madaxtooyada, Waxayna ku Doodeen inay gabi ahaanba diyaariyeen qarashkii hkii ku bixi lahaa
labaddaasi doorasho iyo diiwaangelintii, sidaa darteed aanay suurogal ahayn in
dib loo dhigo doorashadda Wakiiladda.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland