4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2016
AMISOM: Taliye Sare oo Al-Shabaab ahaa oo La Dilay

Jimco, Sitember 16, 2016 (HOL)-Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in shalay Khamiistii galab gaabadkii ay dileen taliye sare oo ka tirsanaa xarakada Al-Shabaab deegaanka Aw-dheegle, gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada federaalka ah (SNA) ayaa la sheegay inay dileen taliyehaa sare ee  Al-Shabaab hawlgal ay wada fuliyeen sida afhayeen AMISOM u hadlay oo lagu magacaabo Joe Kibet u sheegay wakaalada wararka ee Xinhua maanta.

Joe Kibet ayaa sheegay in ay dileen taliyahaa Al-Shabaabka oo lagu magacaabay Maxamed Xasan kaasoo heystay Al-Shabaabka dhanka Awdhegle, sida uu hadalka u dhigay.

"AMISOM iyo SNA waxay sidoo kale dhaawaceen xubno kale oo Al-Shabaab ah hubna waa soo qabteen ," Kibet ayaa sidaa yiri.

Kibet  hase ahaatee ma sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray.