4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2016
Madaxweynaha: Shacabka Hiiraan iyo Sh. Dhexe waa inay Dhistaan Maamulkooda (SAWIRRO)
Jimco, September 16, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka sheegay Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe in Shacabka Hiiraan iyo Shabeellda Dhexe ay Dar-dar-geliyaan dhismaha maammulkooda.

Xasan Sheekh, ayaa sheegay in shacabka labada gobol oo muddo sagaal bilood ah shir uga socday Jowhar looga fadhiyo inay soo dedejiyaan dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin oo ka shaqeeya danahooda, maamulkaasna uu noqdo mid rabitaan shacab ku yimaada.

“Doorka Dowladda FS ee dhismaha nidaamka federaalka waa fududeynta, sharciyeynta iyo inay goobjoog ka noqoto sida loo fulinayo hannaankan, sidaa darteed waxaa halkaa ka cad in shacabku xor u yihiin inay rabitaankooda ku soo dhisaan maamulka ay doonayaan, soona doortaan xubnaha ugu macquulsan ee ay doonayaan inay danahooda matalaan,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Wuxuu Madaxweyne Xasan kula dardaarmey siyaasiyiinta iyo shacabka labada gobol inay hawlaha dib u heshiisiinta sii wadaan, is cafiyaan, iskana fogeeyaan wax kasta oo kala geyn kara shacabka walaalaha ah.

“Dib u heshiisiinta waa tiir ka mid ah kuwa muhiimka u ah dib u dhiska dalka Soomaaliya. Dalkeena waxaa burburka u horseeday waa siyaasadda oo inaga qaloocantey, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la dhiso siyaasad cusub oo dadka mideyneysa, kuna dhisan sinnaan, cadaalad iyo in kheyraadka aan leenahay si wanaagsan looga wada faa’iideysto. Waxaa weli caqabad nagu ah aafooyinkii ay reebeen dagaalada sokeeye oo shacabkeena ku abuuray kalsooni darro iyo kala aamin bax. Waa inaan iska ilownaa wixii la soo dhaafey , iyadoo loo marayo hannaan dib u heshiisiin iyo is cafin ah, kadibna aan diiradda saarnaa sidii aan dalkeena u horumarin lahayn’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku daray in dowladdu aanay marnaba ka daali doonin hirgelinta nidaamka federaalka, isla markaana uu isagu shakhsi ahaan waqti iyo dadaal badan geliyay sidii loo dhisi lahaa maamulada jira, oo mararka qaar ay hawlahaasi caqabado badan ka hor yimaadeen.

Dhanka kale, Madaxweynaha DF ayaa ugu dambeyn Madaxweynaha xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay nidaam garsoor oo caadil ah oo u baahan in laga wada shaqeeyo sidii lagu gaari lahaa, isagoo dhanka kalena uugu baaqey qolyaha weli ka maqan shirka inay ku soo biiraan madasha, oo ah halka ugu habboon ee ay ku soo gudbin karaan tabashooyinka ay qabaan.

Ugu dambeyntii, Munaasabadda furitaanka shirka dar-dar gelinta waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan labada Gole, madaxda maamullada iyo xubno ka tirsan IGAD oo hawshan ka ah fududeeye.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya